← Ku noqo Blogs

Shirkadda Likenew Smart Laundry oo si rasmi ah u soo kordhisay "KG Packages", hannaan bille ah oo macaamiisha u sahlaya in dharka lagu xisaabiyo miisaan

1 November, 2026
Dooro Xirmada Kugu Habboon: Dhaqnaan 8KG $30, Xarago 15KG $50, Riish 35KG $100

Taariikh: 1 November, 2026

Muqdisho, Soomaaliya – 1 November, 2026: Annagoo tixgelinayna baahida iyo codsiyada macaamiisheenna ah inay helaan adeeg rukun ah haddana qiimo jaban, waxaan maanta si rasmi ah u shaacinaynaa in Shirkadda Likenew Smart Laundry, oo hormuud u ah casriyeynta adeegyada daryeelka dharka ee Soomaaliya, ay soo kordhisay xirmooyin bille ah oo cusub oo lagu magacaabo Likenew KG Packages.

Adeeggan cusub wuxuu macaamiisha u oggolaanayaa inay hal mar iibsadaan xirmo ka kooban xaddi miisaan (KG) ah, kadibna ay isticmaalaan mar kasta oo ay u baahdaan. Tallaabadan waxay macaamiisheenna u keenaysaa qiimo ka jaban kii caadiga ahaa, iyadoo siinaysa adeeg joogto ah oo aan kala go' lahayn.

Nidaamkan cusub ayaa ah mid si gaar ah ugu habboon qoysaska iyo dadka shaqada ku mashquulsan ee toddobaad kasta u baahan inay dhar dhaqdaan, isla markaana doonaya adeeg tayo sare leh oo qiimo jaban, kaas oo siinaya qaab fudud oo ay dhar badan ku dhaqan karaan iyagoo bixinaya qiimo macquul ah.

Saddexda Xirmo (Package) ee la heli karo:

  • ✓ Dhaqnaan (8 KG) — $30
  • ✓ Xarrago (15 KG) — $50
  • ✓ Riish (35 KG) — $100

Fiiro Gaar ah:

Xirmo kasta waxay ka kooban tahay adeeg dhammaystiran oo isugu jira dhaqmo iyo feero, waxayna khuseeyaan keliya dharka la xirto. Adeegyada kale sida nadiifinta kabaha, roogagga iyo daahyada waxay ku socon doonaan nidaamkoodii caadiga ahaa.

Likenew waxay mar kasta u taagan tahay in ay daryeelka dharka ka dhigto mid hufan oo casri ah, u danaynaya macmiilka, iyadoo isku xiraysa tayada sare ee shaqada iyo awoodda tignoolajiyadda.

— DHAMMAAD —

Likenew KG Packages
Saddexda Xirmo (Package) ee la heli karo: Dhaqnaan 8KG $30, Xarago 15KG $50, Riish 35KG $100

Wixii faahfaahin dheeri ah, fadlan nagala soo xiriir:

Email: info@likenew.so

Taleefan/WhatsApp: +252 615311877 ama 2414

Website: www.likenew.so