← Back to Blogs
Content Creators Challenge

Habka Lagu Qiimaynayo,
Shuruudaha & Abaalmarinta

Likenew Content Creators Challenge waa tartan loogu talagalay hal-abuurayaasha, video editors iyo motion graphers si ay u muujiyaan xirfaddooda uguna guulaystaan abaalmarin gaaraysa $1,000.

Likenew Challenge Rules

LIKENEW CONTENT CREATORS CHALLENGE: Muuji Hal-abuurkaaga oo Ku Guulayso abaalmarino qaali ah!

Ma tahay hal-abuure, Video Editor, ama motion grapher jecel in xirfaddiisu saamayn yeelato?

Shirkadda Likenew Smart Laundry waxay si rasmi ah ugu dhawaaqaysaa tartanka Likenew Content Creators Challenge! Waa madal aan ku dhiirrigelinaynno dhallinyarada Soomaaliyeed ee xirfadda leh, si ay u muujiyaan awooddooda, uguna guulaystaan abaalmarin qaali ah.

Maxaa La Duubayaa? (The Challenge)

Hal-abuurayaasha la xusho waxay heli doonaan fursad gaar ah (Exclusive access) oo ay ku duubaan adeeg weyn oo cusub oo aan dhowaan ku dhawaaqi doonno (Wali lama shaacin!), xarumaheenna casriga ah, iyo Likenew App. Waa fursaddaadii aad ku muujin lahayd sida aad u gudbin karto hal-abuur sheeko.

Sida Uu Tartanku U Dhacayo

Xulista Hordhaca ah

Waxaan tartankan u xulan doonnaa oo keliya 25 qof oo ah hal-abuurayaasha ugu xirfadda wanaagsan ee soo codsada.

Habka Tartanka

Qof kasta oo ka mid ah 25-ka qof, muuqaalka uu duubo wuxuxu soo gelin doonaa 2 ka mid ah barahiisa bulshada.

Sida Lagu Guulaysanayo

3-da qof ee muuqaalladoodu ay helaan Daawashada (Views) iyo Falcelinta (Engagement) ugu badan ayaa noqon doona guulaystayaasha rasmiga ah!

Shuruudaha Codsiga (Is-diwaangelinta)

Si aad uga mid noqoto 25-ka qof ee nasiibka leh, waa inaad buuxisaa shuruudahan fudud marka uu furmo linkiga isdiiwaangelinta:

Foomka Diiwaangelinta

Waa inaad iska diiwaangelisaa Linkiga rasmiga ah ee tartanka oo aan soo dhigi doonno baraha bulshada.

Tusaale Shaqo (Portfolio)

Waa inanad nala wadaagtaa Link-ga muuqaal aad adigu horey u samaysay si aan u qiimayno xirfaddaada.

Baraha Bulshada

Waa inaad foomka ku soo dartaa linkiyada Barahaaga Bulshada (Social Media Handles) ee aad isticmaasho.

Abaalmarinta (The Prizes)

Likenew waxay u diyaarisay $1,000 wadar ahaan si loo abaalmariyo 3-da qof ee ugu dhibcaha sarreeya:

🥇

Kaalinta 1aad

$500

🥈

Kaalinta 2aad

$300

🥉

Kaalinta 3aad

$200

Xilliga Uu Furmayo (Isha Ku Hay!)

June 18, 2:00 PM (Duhurnimo): Waxaan baraheenna bulshada soo dhigi doonnaa Linkiga isdiiwaangelinta.

U diyaargarow inaad duubto taariikh cusub. Isha ku hay baraheenna bulshada!

Likenew — A New Concept for Laundry.