Kacaanka Daryeelka Dharka ee Soomaaliya: Wax Kasta Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato "Likenew Smart Lockers"
Waqtigu waa hantida ugu qaalisan ee aynu haysanno. Nolol-maalmeedka mashquulka badan ee magaalada Muqdisho dhexdeeda ka jira, iswaafajinta shaqada, qoyska iyo hawlaha shakhsiga ah sida dhardhaqista waxay noqon kartaa culeys weyn. Si looga jawaabo baahidaas, shirkadda Likenew Smart Laundry waxay dalka keentay fikir cusub (A New Concept for Laundry), oo gebi ahaan beddelaya qaabkii hore ee dhaqidda dharka.
Haddaba, maxay yihiin Likenew 24/7 Smart Lockers, sidee ayayse noloshaada u fududayn karaan? Maqaalkan waxaan kuugu soo bandhigaynaa wax kasta oo aad u baahan tahay inaad ka ogaato nidaamkan taariikhiga ah.

Waa Maxay Likenew Smart Lockers?
Likenew Smart Lockers waa khaanado ama armaajooyin casri ah oo ku shaqeeya tignoolajiyad heersare ah, looguna talagalay in macaamiishu ay dharkooda ku ritaan amaba kala baxaan. Khaanadahan waxay si toos ah ugu xiran yihiin Likenew App, taas oo ka dhigan in hawsha oo dhan aad ka maamulan karto taleefankaaga gacanta, adigoon u baahnayn in cidna ku caawiso ama aad la kulanto shaqaalaha xarunta.
Waxa ugu weyn ee ay kaga duwan yihiin nidaamkii hore ayaa ah in ay shaqeeyaan 24 saacadood maalintii, 7da maalmood ee usbuuca (24/7).
Caqabadaha Ay Xallinayaan Likenew Lockers
Nidaamkan cusub ma ahan oo keliya ismuujin tignoolajiyadeed, balse waa xal dhab ah oo loogu talagalay dhibaatooyinka ay macaamiisheennu la kulmi jireen:
Waqti Xaddidan
Berigii hore, haddii aad shaqada ka soo daahdo, waxaad weynaysay fursad aad dharkaaga ku qaadato. Hadda, xitaa saqdhexe (Midnight) ayaad imaan kartaa oo aad dharkaaga qaadan kartaa!
Saxmadda
Sugitaanka dadka kaa horreeya si aad dharkaaga u dhiibto ama u qaadato waxay qaadataa waqti. Lockers-ka waxaad ku dhammaynaysaa ilbiriqsiyo gudahood.
Asturnaanta
Dadka qaar waxay jecel yihiin in dharkooda aysan cidna isdhaafsan. Nidaamkani wuxuu ku siinayaa asturnaan buuxda adigoo si toos ah khaanad u gelinaya.
Sida Loo Isticmaalo Likenew Smart Lockers
Daawo muuqaalkan si dhammaystiran kuugu sharraxaya isticmaalka iyo adeegsiga Likenew Smart Lockers
Goobaha Ay Hadda Yaallaan Lockers-ka
Si aan kuugu soo dhawayno adeegga, wajiga koowaad waxaan Lockers-ka casriga ah ka hirgelinnay labo xarumood oo muhiim ah:
Xarunta Dhexe (HQ): Wadada Waaberi, ka soo horjeedka dugsiga 21 ka October.
Xarunta KM5: KM5, banaadir ama ka soo horjeedka Hotel Jowhara.
* F.G: Qorshaheena xiga waa in aan Lockers-kan geyno degmooyinka kale iyo xarumaha laga adeegto ee magaalada, si adeeggu u noqdo mid u dhow qof kasta!
Ammaan iyo Kalsooni Buuxda
Aammin ma tahay inaan dharkayga khaanad uga tago? Likenew Smart Lockers waxaa lagu dhisay nidaam difaac dijitaal ah.
- Khaanad kasta waxay leedahay nidaam amni ah oo aan la jabin karin.
- Dharkaaga waxaa furi kara keliya shaqaalaha loo xilsaaray marka la shaqaynayo, iyo adiga adeegsanaya Likenew app.
- Sidoo kale, waxaad tallaabo-tallaabo ugala socon kartaa halka ay shaqadu marayso (Track your order) adigoo isticmaalaya Likenew App.
Ma u baahan tahay caawimaad?
Wixii caawimaad dheeri ah, la xiriir qaybteenna daryeelka macaamiisha adigoo wacaya:
2414
Gunaanad
Imaanshaha Likenew Smart Lockers waxay astaan u tahay isbeddel iyo horumar weyn oo dalkeennu gaaray. Uma baahnid inaad mar dambe saf gasho ama aad isku mashquuliso saacadaha shaqada xarumaha.
Diyaar ma u tahay inaad tijaabiso? Kala soo deg Likenew App maanta App Store ama Google Play oo billaw isticmaalka Likenew lockers. Likenew - A New Concept for Laundry.