
Muqdisho, Soomaaliya – 25 June, 2026: Shirkadda Likenew Smart Laundry ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay nidaamkii ugu horreeyay ee noociisa ah oo dalka laga hirgeliyl: Likenew 24/7 Smart Lockers.
Adeeggan casriga ah ayaa macaamiisha awood u siinaya in ay dharkooda geeyaan ama kala baxaan xarunta xilli kasta oo ay doonaan, habeen iyo maalin (24/7), iyagoon saf u gelin, cidna sugayn, amaba ka walaacayn in xaruntu ay xirmayso xilliyada dambe.
Faa'iidooyinka Muhiimka ah:
- ✓ Helitaan 24/7 ah: Macaamiishu waxay dharkooda dhigan karaan ama qaadan karaan xilli kasta, xitaa saqdhexe, taas oo xorriyad buuxda siinaysa dadka mashquulka ah.
- ✓ Fidin & U-dhowaansho Macaamiil: Adeeggan cusub wuxuu shirkadda u sahlayaa in ay Lockers-ka geyso degmooyinka durugsan iyo meelaha ka fog xarumaheenna waaweyn, si adeegga tayada leh loogu soo dhaweeyo macaamiisheenna iyagoon masaafo dheer soo jarin.
- ✓ Ammaan & Kalsooni: Dhar kasta oo la dhigo Lockers-ka wuxuu ku jiraa nidaam ammaan ah oo dijitaal ah. Macmiilku wuxuu farriin (Notification & WhatsApp) ku helayaa marka dharkiisu diyaar yahay iyo furaha sirta ah (PIN) ee uu kula baxayo.
"Hadafkeennu ma ahan oo keliya inaan dhar dhaqno, balse waa inaan Soomaaliya keenno fikir cusub (A New Concept for Laundry) oo la jaanqaadaya qaab-nololeedka casriga ah ee dadkeenna," ayuu yiri Axmed Bashiir Osman oo ah maamulaha guud ee LIKENEW, isagoo ka hadlayay madasha daahfurka. Wuxuu sii raaciyey: "Likenew Smart Lockers waxay meesha ka saarayaan sugitaankii iyo saxmaddii, waxayna noo suuragelinayaan inaan adeeggeenna geyno albaabka macaamiisheenna meel kasta oo ay Muqdisho ka joogaan."
Si loo xuso daahfurkan taariikhiga ah, maamulka shirkaddu waxay ku dhawaaqeen in qof kasta oo isticmaala adeegga Smart Lockers-ka maalmaha soo socda uu heli doono haddiyad gaar ah. Sidoo kale, waxaa dhawaan la shaacin doonaa qiimodhimis weyn oo ku beegan xuska 1-da Luulyo.
Wixii faahfaahin dheeri ah, fadlan nagala soo xiriir:
Email: info@likenew.so
Tel/WhatsApp: 252 615311877 / 2414